Waxa ay qabataa shaqooyin lagu bartay ragga

Iqro Cabdulle Guure waxa ay ku dhalatay magaalada Muqdishu iyada oo waxbarashadeedii heer Iskuul ilaa heer Jaamacadeed kusoo qaadatay isla magaalada Muqdishu. Iqra waxa ay wax ka baratay Jaamacadda Simad, waxa ayna ka baratay Maamulka Guud (Public Administration) sanadkii 2016.

Waxa ay jecleyd xirfada wax-soo-saarka warbaahinta (Media Production) iyada oo igu tiri “Intii aan jaamacadda dhiganayay, waxa an sidoo kale baranaayey xirfadahaan IT-ga”. Ujeedka ay u baraneysay xirfadaan ayay iigu sheegtay in ay aragtay in ay maqan tahay kaalinta gabdhaha ee looga baahanyahay xirfadahaan. 

Kadib markii ay Iqra dhameysay Jamaacadda, sida ay ardey badan la kulmaan, waxaa soo wajahay shaqo la’aan. Waxa ayna isku dayday in shaqo  la xiriirta wax-soo-saarka warbaahinta raadasato, balse ma dhicin in ay hesho loo sheegay in shaqadan aanay gabdhaha qaban karin.

Kadib markii ay Iqra jaamacaddii dhameysay sannadkii 2016, islamarkaana ku adkaatay in ay hesho shaqo, waxa ay ku fekertay in ay iyada hal abuur la timaado oo ay sameysato shirkad wax-soo-saar warbaahin oo ay maamul ka tahay. sannadkii 2016, Iqro waxa ay aasaastay Shirkad lagu magacaabo Gogoldhig Media Production x a ay Iqro aasaastay Iqro waxa ay sameysaa duubista, sawir qaadista, naqshadeynta garaafka iyo shaqooyin badan oo ragga looga bartay. Sidoo kale Iqra waxa ay ii sheegtay inay tababar u sameyso ardey isugu jira rag iyo dumar oo ay xirfadaan barto iyada oo igu tiri: “ Markii aan hal abuurkeyga hirgeliyey, waxa an soo kordhiyey tababarro aan kusoo saarayo ardey isugu jirta wiilal iyo gabdho oo rabo in ay daboolaan kaalinta bulshada ay uga baahan yihiin  Wax-soo-saarka Warbaahinta (Media Production)”.



markii ay billowday in ay hirgeliso hal-abuurkeeda, Iqra waxaa ay bulshada kala kulantay caqabdo iyo dhiiragelin intaba.

Iqra waxa ay dhiiragelin ka heshay qeybaha kala duwan ee bulshada oo isugu jira qaraabadeeda, asxaabteeda iyo macaamiisheeda. “Dhiiragelinta ugu badan waxa aan ka helay bulshadeena oo iyagu oggolaadey in aan u shaqeyno” ayay raacisey.

Iqra waxa ay ii sheegatay in ay dhiiragalin iyo bogaadin gaar ah ay ka helaan dumarka ay shaqooyinkan u qabtaan iyaga oo ku farxa duubista ay dumarku duubayaan aroosyada iyo xafladaha, sidoo kalena ay gabdhaha ay uga dhaw yihiin wiilasha maadaama goobahaas ay dumar u badan yihiin.

Hal abuurka ganacsi ay Iqra soo banshigtey waxaa ay kala kulantay caqabado badan. Iyada oo sheegtay in caqabadaha ugu  badan ay uga yimaadaan ragga ay suuqa ku tartamaan iyo qaar kamid ah ragga ay u qabtaan shaqooyinkan. “Caqabadaha waxa ay gaar ahaan nooga yimaadaan ragga aan suuqa ku tartanno oo ereyo liidnimo ah nagu dhaha sida: adinka maxaa duubi kartiin dumar ayaa tihiin, shaqooyinkan la idinkuma talo gelin iyo waxyaalo kale” ayay igu tiri Iqra.

Ka miradhalinta himiladeeda kama aysan hor istaagin caqabadaha ay la kulanto, oo waxa ay ku hammineysaa in ay waxyaabo badan kusoo kordhiso bulshada. Iqro waxa ay shaqaaleysiisay dhallinyaro ay u  badan yihiin gabdho waxa ayna tababartaa dhalinyaro. “Waxaan hiigsaneynaa in aan daboolno baahiyaha gaarka ah oo ay gabdhaha qabaan hadii ay ahaan lahayd duubis ama tababar si ay ugusoo bataan dhanka xarfadahaan. Waxaan sidoo kale rabnaa in aan soo kordhino qurxinta hoolalka” ayay tiri.

Waxaa jira dumar badan oo aan qaban shaqooyin ay ku fiican yihiin, iyaga oo shaqooyinkaas uga taga in ay raggu u badan yihiin ama ay tahay arin aan dumar looga baran. Waxaa sidoo kale jira caqabado ay dumarku wajahaan marka ay rabaan in ay baahidooda iyo hal abuurkooda soo bandhigaan. Iyada oo la hadleysa gabdhahaas waxa ay kula talisey “in aysan iska dhaadhicin in shaqooyinka qaar ay ragu u gaar yihiin maxaa yeelay shaqo waa shaqo, waana barasho, ka dibna qabasho. Shaqooyin badan oo dumarku  ku fiicanyihiin ayeysan qaban. Tusaale kaamiradda gabdhaha ayaa ku fiican xaga qurxinteeda iyo hagaajinteeda”.

Waxa aan dumarka Soomaaliyeed kula talin lahaa in ay dhiiregelin naftooda ka helaan, hal abuurrada iyo shaqooyinka maskaxdooda ku jirana ay qabtaan iyaga oo aan u fiirineyn dhaqan soo jireen ah.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

From Hardship to Hope: A Journey of Learning, Resilience and Service

Studying while Parenting: A Reflection